Halista caafimaad ee ka dhalan karta qabuuraha loo faago si aan waafaqsaneyn nidaamka caafimaadka - BBC News Somali (2024)

Halista caafimaad ee ka dhalan karta qabuuraha loo faago si aan waafaqsaneyn nidaamka caafimaadka - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, bbc

Ma ahan wax adduunka ku cusub in meyd laga soo saaro qabuurihii hore loogu aasay kaddibna la geeyo meelo kale. Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee warbaahinta caalamka ay wax ka qoreen waxaa ka mid ah tareenka dheereeye ee isku xira magaalooyinka London iyo Birmingham kaas oo ku soo aaday in uu dhexmaro meelo qabuuro ahaa.

Magaalooyinka waaweyn dhulkooda waa kala muhiimsan yahay. Qaar waxaa jira ku yaalla meelo ganacsiga iyo howlaha kale aad ugu habboon balse aysan suuragal aheyn in si degdeg ah loo isticmaalo. Marka ay timaaddo meel ku habboon ganacsiga balse ay ku taal barxad dadweynaha isticmaalaan ama qabuuro maamulka way ku adag tahay in si fudud ay ku badalaan.

Ka hor inta aan la arkin dadweynaha qabuuraha Iskuul-buluusiya faagaya, waxaa jiray oo baraha bulshada la soo dhigay qabuuro la sheegay in la doonayo in laga saaro meydadka maaddaama dhulka ay u baahdeen dad la sheegay in ay markii hore lahaayeen.

Ma jirin sabab kale oo dadka ula baxaan meydka aan ka heyn in ehelka meydka qabriga ku jira ay gacmahooda la galaan oo sidaa ku soo saaraan meydka.

Halista caafimaad ee ka dhalan karta qabuuraha loo faago si aan waafaqsaneyn nidaamka caafimaadka - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sidee loo maareeyaa marka meyd la doonayo in qabuuro laga soo bixiyo qabriga?

Qabuuraha Macallin Nuur ayaa ka mid ahaa meelo la sheegay in la doonayo in laga saaro meydka balse maamulka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrinta qabuuraha ee aadka looga hadal hayay baraha bulshada ku wada xiriirto taas oo ku saabsan dhulka Qabuuraha Macallin Nuur oo dadka qaar shaaciyeen in lagu yiri kala baxa meydadkii horey loogu aasay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo booqday goobta ay ku yaallaan qabuurahan ayaa warbahainta u sheegay in sharciga lala tiigsan doona cidkaste oo ku howlan burburinta iyo ka ganacsiga dhulka Qabuuraha Macallin Nuur ee ku yaalla deegaanka Garasbaaleey.

Si kasta oo mowqifkaas adag maamulka Gobolka Banaadir hore u qaateen hadana ma jirin amar dadweynaha lagu faray oo ah in aysan qabriga dad kala bixin hadii ay iyaga doonayaan.

Dhawaan ayaa la sheegay in meydadka ku jira qabuuraha Iskuul-buluusiya lala baxo. Ma jirin meel si rasmi ah dowladda ugu sheegtay dadweynaha balse waxaa la arkayay qaar ka mid ah ehalada oo la baxaya meydka.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadahay waxay sheegtay in aysan jirin amar meydka looga saarayo qabuuraha balse ay tahay arrin u taal sida ay doonaan in ay ka yeelaan dadweynaha ehelkoodu ku aasan yahay qabuuraha.

“Xor ayey u yihiin bulshada Soomaaliyeed ninkii qof ka dhintay ee hore u duugtay hadii uu meel ka wanaagsan u helay. Hadii uu gurigiisa ku aasanaayo xor ayuu u yahay” ayuu yiri afhayeenka ciidamada booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka hadlay meydka qabuuraha lagala baxayo.

Ma habboon tahay in dadweynaha meydadka gacmahooda kula baxaan?

Halista caafimaad ee ka dhalan karta qabuuraha loo faago si aan waafaqsaneyn nidaamka caafimaadka - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Social media

Marka loo baahdo in dib loo isticmaalo dhulka qabuuraha waxaa jira habab adduunka ay u maraan.

Khatarta caafimaad uu leeyahay in meyd qabriga la soo saaro waxaa ka mid ah habka loo marayo iyo sida laysaga ilaalin karo in aadan ka qaadin wax caabuq ah. Taasna way adag tahay in dadka caadiga ah ay wax ka qabtaan. Inta badan howlahan waxaa qabta dad aqoon u leh.

Arrintan ugu muhiimsan ayaa ah in la ogyahay diwaanka qofka ku aasan goobta la faagayo, waxa uu u dhintay iyo goobta kale ee la doonayo in lagu aaso. Dr. Maxamed Xasan waxa uu ka mid yahay dhakhaatiirta ka shaqeysa UK. Waxa uu BBC-da u sheegay in qof aan aqoon u laheyn uusan howshan faraha la gelin Karin.

“Marka ugu horeysay waa in wasaaradda caafimaadka ay go’aanka gaartaa, ka hor inta aysan go’aankaas gaarin waa in ay ogtahay waxa uu u dhintay qofka, si loo ogaado hadii uu qabay meydka cudurada faafa sida TB-da” ayuu yiri Dr. Maxamed.

Habka meydkaas loo saarayo wuu ka duwan yahay hababka kale. Nidaam gaar ah ayaa loo maraa marka meyd laga soo saarayo qabuuraha. Khubarada caafimaadka ayaa qaba in meydadka waqtiga la aasay uusan fogeyn la fahmi karo waxa ka dhallan kara.

“Meyd lama soo bixin karo iyadoon la raacin talada caafimaadka. Si loo xakameeyo cudurada faafa waa in qofku haystaa gacmo gashi, afxir iyo ookiyaale, sababtoo ah waxaa laga baqayaa in qofku cudur ka qaado”

Hadaba su’aashu waxay tahay howlahaas oo dhan yey tahay in ay qabtaan? ma howl uu qof ama koox iskood ku qaban kartaa mise waa mid u taal maamulka markaas ka jira goobta qabuuraha laga faagayo.

Ha’yadaha caafimaadka ayaa laga doonayaa in ay arrimahaas wax ka qabtaan si looga hortgo in ay timaado waxyeelo ay adkaan doonto mustaqbalka in wax laga qabto.

Halista caafimaad ee ka dhalan karta qabuuraha loo faago si aan waafaqsaneyn nidaamka caafimaadka - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Tuan Roob DDS

Last Updated:

Views: 6285

Rating: 4.1 / 5 (62 voted)

Reviews: 93% of readers found this page helpful

Author information

Name: Tuan Roob DDS

Birthday: 1999-11-20

Address: Suite 592 642 Pfannerstill Island, South Keila, LA 74970-3076

Phone: +9617721773649

Job: Marketing Producer

Hobby: Skydiving, Flag Football, Knitting, Running, Lego building, Hunting, Juggling

Introduction: My name is Tuan Roob DDS, I am a friendly, good, energetic, faithful, fantastic, gentle, enchanting person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.